Sunday, September 05, 2010
   
Text Size

 

شهر القرآن

 

 

من خصائص شهر رمضان أن الله تبارك وتعالى أنزل فيه القرآن، قال تعالى: {شَهْرُ رَمَضَانَ الَّذِيَ أُنزِلَ فِيهِ الْقُرْآنُ هُدًى لِّلنَّاسِ وَبَيِّنَاتٍ مِّنَ الْهُدَى وَالْفُرْقَانِ} [البقرة:185]، وهو دستور هذه الأمة، وهو الكتاب المبين، والصراط المستقيم، فيه وعد ووعيد وتخويف وتهديد، وهو الهدى لمن تمسك به واعتصم، وهو النور المبين، نور لمن عمل به، لمن أحل حلاله، وحرم حرامه، وهو الفاصل بين الحق والباطل، وهو الجد ليس بالهزل، فعلينا جميعاً معشر المسلمين العناية بكتاب الله تعالى قراءةً، وحفظاً، وتفسيراً، وتدبراً، وعملاً وتطبيقاً.

فماذا أعددنا من ترتيبات وتجهيزات لنتسابق نتلو الآيات ترتيلا ونتدبرها جملة وتفصيلا ؟؟؟

:: خصائص شهر رمضان ::

:: شهر القرآن حياة القلوب ::

:: رمضان شهر القرآن ::

:: ملــف رمضــــــان طـريـق الإســــــلام ::

 

 

 

 

 

 

 

      

 

 

                       

 

 

                              

               

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Yaa ka dambeeya dilka ganacsatada soomaalida ah ?

K/Afrika: Warbixin dheer oo  lagu daabacay Wargeyska  Daily Voice ayaa lagaga hadlay xaqiiqada cidda ka dambaysa dilka loo geysto ganacsatada Soomaalida ah ee deggan tuulooyin kamida Cape Town.

Wargeyska ayaa sheegaya in baadhitaan qota-dheer lagu ogaaday in haweenay ay ka dambayso weerarka lagu qaado ganastada shisheeyaha ah ee dukaamada ku leh Cape Town.

Wargeyska ayaa soo qaatay warbixinno lagasoo qaaday saddex nin oo kamida koox dilaa ah imminkana xabsi ku jira oo loo adeegsan jiray Dilka ganacsatada Soomaalida , waxayna warbixinahaasi dhammaan si toosa ugu xidhnaayeen haweenay la sheegay inay tahay kuwa ka ganacsada khamriga taasoo si toosa uga dambaysay weeraro dhawr ah oo Soomaali lagu qaaday.

Ilo ku dhow baadhitaanka arrintaas ku socda ayaa sheegaya in Habartaa khatarta ahi hawl gelisay kooxyar oo ganacsato cadhaysan ah iyo dilayaal khatar ah.

Kooxahan ayaa ah kuwo hubaysan lacagna lehna ujeeddo keliya oo ah inay ka saaraan dhammaan ganastada aan iyaga ahayn deegaamada Cape Flats si ganacsigooda kaalintaa u buuxiyo.

Weerarka ayaa ka bilowday 21-kii March 2010 Luzuko oo ku dhow tuulada Philippi-East kaddibna faafay Ciyaarihii Worl Cup-ka kaddib.

Laba kamida gacan-kudhiiglayaasha ayaa qiraalkooda ku sheegay in haweenaydaasi ay siisay amar toos ah ugu yaraan 2 Soomaali ah oo ay toogasho ku dileen Dukaankoodiina gubeen.

Qiraalka ayaa sidan u qornaa: “Waxaan garabka ka toogtay soomaaligii u horreeyay kaddibna aad baana uga baqay inaan weerarka sii wado waxaana qorigii u dhiibay dilaagii kale ee ila socday kaasoo toogtay Faaruuq Xuseen habenimadii bisha March ay ahayd 21 agagaarka Philippi kaddibna dab ayaan dukaankii qabadsiiyay.

Saddexda Gacan-kudhiigle oo imminka ku xidhan Jeelka  Pollsmoor Prison ayaa sheegay in markii ay toogasho dhimasho iyo dhaawac ah geysteen Labadii wiil ee soomaaliyeed dukaankiina ay gubeen ay haweenaydii Khamriilaha ahayd siisay Lacag dhan R4,000 ($550)

Saddexda tuug oo kasoo jeeda Tuulada  ay dilka ka geysteen ee Philippi ayay ku socotaa dhawr dacwadood oo kala ah Dil,Isku-day Dil iyo Gubitaan.

Wargeyska oo warbixintiisa sii wada ayaa sheegay in Boliisku ay baadhitaan ku wadaan haweenaydaa la sheegay inay soo abuusho dilalka qorshaysan ee lo geysto gansatada aan waddanka u dhalan gaar ahaan Soomaalida, waxaana jirta cabsi ku aaddan magacaabiddeeda oo laga baqayo inay adeegsato Budhcad Dilayaal ah oo kale oo ka takhalusa 3-da nine e hadda xidhan ee dacwadu ku socoto.

Baadhitaanka dacwadan ayaa sidoo kale lagu ogaaday in ugu yaraan Askaro Boliis ah la siiyay Lacag dhan R30,000 ($4,050) si uu u lumiyo warqadaha Dacwada ee Eedaysanayaal loo haystay Weeraro loo geystay Ganasatada Ajaanibka ah.

Boliiska ayaa ogaaday in haweenayda la eedeeyay ay kulamo joogto ah la yeelan jirtay ganacsatada waddaniga ah ee lagu xidhiidhiyo inay dilal u geystaan ganacsatada kale ee aan deegaanka u dhalan.

Kooxda baadhitaanka ku haya dacwadan ayaa sheegaya in weeraro kale oo ka dhacay Wellington, Mbekweni, Harare, Makhaza, Philippi, Macassar, Franschhoek iyo Klapmuts oo dhammaan ka tirsan Cape Town.

Arrintan ayaa ah raad muhiim ah oo sababi kara in dad kale loo soo qabto weerarada qorshaysan ee loo geysto Ganacsatada Soomaalida ah, waxay sheegeen boliisku in ilaa 13 dacwadood oo noocan oo kale ah ay hayaan Warqadihii dacwadana lagu kaydiyay meel muhiim ah oo aan ahayn halka la dhigo warqadaha dacwada caadi ahaan si aan loo laaluushin qaar ka mida Boliiska dacwadaha gacanta ku haya.

 In badan ayay Soomaalidu cabashooyin ka muujiyeen in aan cidna loo qaban dilalka loo geysto haddase waxaad mooddaa in Dawladda iyo laameheeda Amnigu ay dadaal muujinayaan sidii xididdada loogu siibi lahaa kooxahan isugu jira ganacsatada iyo qawlaysatada Dilka iyo dhaca u geysta Ajaanibka gaar ahaan Soomaalida.


Source: Daily Voice

 

Comments (0)
Write comment
Your Contact Details:
Comment:
Security
Please input the anti-spam code that you can read in the image.
You must have Flash Player installed in order to see this player.
mod_vvisit_countermod_vvisit_countermod_vvisit_countermod_vvisit_countermod_vvisit_countermod_vvisit_counter
mod_vvisit_counterToday34
mod_vvisit_counterYesterday57
mod_vvisit_counterThis week34
mod_vvisit_counterLast week434
mod_vvisit_counterThis month259
mod_vvisit_counterLast month1650
mod_vvisit_counterAll days15871

We have: 1 guests, 1 bots online
Your IP: 38.107.191.95
 , 
Today: Sep 05, 2010

Count Your Visitors

39930 Visitors

Who's Online

We have 2 guests online

         

 

   Socdaallada dacwada

    Gauteng

     Western Cape

     Eastern Cape

 

Wararkii hore

  •  
    • Socdaalkii dacwo ee sh.Maxamed Idriis uu kusoo maray K/Afrika.
    • Ololaha la dagaalanka Anshax-xumada oo dib looga bilaabay Western Cape.
    • Jaaliyadda Soomaalida ee PE "Jaaliyad ku dayasho mudan"
    • Muwaadin Soomaali ah oo lagu gubay tuulada Samoora ee Western Cape.
    • Muxaadarooyin caafimaadka Guud ku saabsan oo ka bilowday Masjidu Sunnah Bellville