|
|
|
|
من خصائص شهر رمضان أن الله تبارك وتعالى أنزل فيه القرآن، قال تعالى: {شَهْرُ رَمَضَانَ الَّذِيَ أُنزِلَ فِيهِ الْقُرْآنُ هُدًى لِّلنَّاسِ وَبَيِّنَاتٍ مِّنَ الْهُدَى وَالْفُرْقَانِ} [البقرة:185]، وهو دستور هذه الأمة، وهو الكتاب المبين، والصراط المستقيم، فيه وعد ووعيد وتخويف وتهديد، وهو الهدى لمن تمسك به واعتصم، وهو النور المبين، نور لمن عمل به، لمن أحل حلاله، وحرم حرامه، وهو الفاصل بين الحق والباطل، وهو الجد ليس بالهزل، فعلينا جميعاً معشر المسلمين العناية بكتاب الله تعالى قراءةً، وحفظاً، وتفسيراً، وتدبراً، وعملاً وتطبيقاً. فماذا أعددنا من ترتيبات وتجهيزات لنتسابق نتلو الآيات ترتيلا ونتدبرها جملة وتفصيلا ؟؟؟ |
Diyaarad kusoo degtay xeebta Magaalada Durban (K/Afrika)
Durban: Duuliye Muslim ah oo lagu magacaabo Maxamed Jamiil Saliim ayaa diyaaraddiisii soo fadhiisiyay Xeebta Magaalada Durban kaddib markii uu shaqada joojiyay Matoorkii diyaaraddu (Engine Failure)
Maxamed Jameel ayaa lagu ammaanay sida nabadgelyada ah ee uu diyaaradda usoo dejiyay habeennimadii Arbacada, waxaana dhaawac fududi soo gaadhay qofkii labaad ee diyaaradda la saarnaa kaddib markii diyaaraddu ay ku dhacday Tiir kuwa kubadda loo isticmaalo ah oo ku qotomay xeebta.
Duuliye Maxamed oo haysta Ruqsadda Diyaaradaha Ganacsiga (qualified commercial pilot) ayaa kasoo duulay Garoonka Virginia (Virginia Airport) ee isla magaalada Durban kaddibna wuxuu damcay inuu garoonka kusoo noqdo kaddib markii uu maqlay dhawaqa cillad kutimi Matoorka oo sababtay in matoorkii shaqada joojiyo.
Duuliyaha Hooyadii Naziima ayaa sheegtay inay aad ugu farxsan tahay in wiilkeeda uusan wax dhib ahi gaadhin ayna ku kalsoon tahay inuu yahay Duuliye (Pilot) khibrad leh.
Maxamed Jamiil oo ah 22 Jir weli kama hadlin dhacdadan ilaa uu la kulmo Baadhayaal ka socda laanta Duulimaadyada (Civil Aviation Authority).
Saddex maalmood ka hor ayaa shil diyaaradeed oo ka dhacay Magaalada Wartburg ayaa waxaa ku dhintay Duuliye 17 jir ah oo isla maalintaa qaatay Ruqsadda Duuliyenimada (Flying License) iyo aabihii oo ku socday xaflad ay u dhigi lahaayeen Qaadashada License-ka, maalin ka horna waxaa agagaarka Magaalada Witbank ku dhacday Diyaarad nooca Helicopter-ka ah oo ay ku dhinteen 7 sarkaal oo Police ah.
Somali Media
| < Prev | Next > |
|---|






![]() | Today | 34 |
![]() | Yesterday | 57 |
![]() | This week | 34 |
![]() | Last week | 434 |
![]() | This month | 259 |
![]() | Last month | 1650 |
![]() | All days | 15871 |
Your IP: 38.107.191.99
,
Today: Sep 05, 2010
Count Your Visitors
Who's Online
Socdaallada dacwada
Gauteng
Eastern Cape
Wararkii hore
-
- Socdaalkii dacwo ee sh.Maxamed Idriis uu kusoo maray K/Afrika.
- Ololaha la dagaalanka Anshax-xumada oo dib looga bilaabay Western Cape.
- Jaaliyadda Soomaalida ee PE "Jaaliyad ku dayasho mudan"
- Muwaadin Soomaali ah oo lagu gubay tuulada Samoora ee Western Cape.
- Muxaadarooyin caafimaadka Guud ku saabsan oo ka bilowday Masjidu Sunnah Bellville
-
Bogagga Islaamiga
-
Bogagga Somaaliga











