|
|
|
|
من خصائص شهر رمضان أن الله تبارك وتعالى أنزل فيه القرآن، قال تعالى: {شَهْرُ رَمَضَانَ الَّذِيَ أُنزِلَ فِيهِ الْقُرْآنُ هُدًى لِّلنَّاسِ وَبَيِّنَاتٍ مِّنَ الْهُدَى وَالْفُرْقَانِ} [البقرة:185]، وهو دستور هذه الأمة، وهو الكتاب المبين، والصراط المستقيم، فيه وعد ووعيد وتخويف وتهديد، وهو الهدى لمن تمسك به واعتصم، وهو النور المبين، نور لمن عمل به، لمن أحل حلاله، وحرم حرامه، وهو الفاصل بين الحق والباطل، وهو الجد ليس بالهزل، فعلينا جميعاً معشر المسلمين العناية بكتاب الله تعالى قراءةً، وحفظاً، وتفسيراً، وتدبراً، وعملاً وتطبيقاً. فماذا أعددنا من ترتيبات وتجهيزات لنتسابق نتلو الآيات ترتيلا ونتدبرها جملة وتفصيلا ؟؟؟ |
Qisadii Safarka saddex dhallinyaro ah
Saddex wiil ayaa u safray wadan aad u fog, waxayna dageen guri aad u dheer oo ka kooban 75dabaq, waxayna dageen dabaqa u sareeya ee 75naad. Waardiyihii Daarta ayaa u sharxay nidaamka deganaanta guriga, wuxuuna ku yiri; halkan waxaa kajira nidaam ka duwan, kan kajira wadamadiina.
Wiishka Daarta lagu fuulo 10.00 habeenimo ayuu otomatik isu xiraa, waxaana laga xukumaa meel fog oo haduu mar is xiro cid furi kartaa ma jirto!. Marka waa inaad soo dheelmataan kahor 10.00 habeen-nimo, wuxuuna ka codsaday inay warkaas si fiican u fahmaan, waxayna u adkeeyeen inay fahmeen.
Habeenkii 1aad way soo dheelmadeen 10.00 kahor, laakiin habeenkii 2aad bay tamashlayntii la dheeraatay, waxayna yimaadeen iyagoo aad u ordaya 10. iyo 5daqiiqo, albaabkiina waa xirmay. Halkii bayna oohin iyo qaylo ka dhaqaaqeen, waxayna weceen qofkasta oo ay u maleeyeen inuu Daarta u furi karo, laakiin faaiido la´aan. Markay quusteena waxay ku heshiiyeen inay Daarta ka fuullaan jaranjarada ilaa iyo dabaqa 75aad, waxayna ku heshiiyeen inuu mid waliba uga sheekeeyo Qiso dheer oo xiisa badan oo soconaysa inta ay fuulayaan 25dabaq, si ay isu hilmaan-siiyaan Daalka iyo jilba xanuunka.
Kii 1aad wuxuu yiri anigu waxaad idiinka sheekayn qisooyin marqaan badan, oo qosol idinku dilaya ilaa aad is illowdaan, oo aydaan Daalba xasuusanin!. Wuuna u sheekeeyay ilaa ay Qosol ku dhiman gaareen, waalina ku dhawaadeen, Daarta oo dhana laga maqlay qosolkooda iyo qayladooda ilaa ay ka-gaareen dabaqaii 25aad.
Kii 2aad wuxuu yiri anigu mahayo sheekooyin lagu waasho, balse waxaan idiin hayaa dhacdooyin run iyo xaqiiqo u badan, oo taabanaya nolosha dhabta ah iyo dhacdooyinka waayaha. Maxaa la gudboon qofka raba inuu Guul iyo horumar gaaro, ama wax fiican samaysto iwm. Wuuna u sheekeeyay isagoo siiyay tusaalooyin, waanooyin iyo dhacdooyin fara badan, ilaa ay kasoo gaareen dabaqii 50aad.
Kii 3aad wuxuu yiri anigu waxaan idiin hayaa qisooyin ka samaysan dhib xanuun iyo wareer, maxaayeelay waad soo maqasheen sheekoo-yinkii qosolka iyo madadaalada, kuwii dhabta iyo xaqiiqada intaba. Marka ani waxaad iga sugtaanba waa sheekooyinkii xanuunka iyo dhibka. Labadii kalana waxay dheheen; Sooddaa maxaa yeelay waxaaban rabnaa inaan gaarro Gurigeenii inagoo naga batay Daalka iyo fikirku, kadibna aan dhakhso seexanno! Wuuna uga sheekeeyay ilaa ay kasoo gaareen dabaqii 75aad, iyagoo Daal la dhiman raba.
wuxuuna ku soo dhameeyay; qisada ugu danbaysa uguna kharaarka badana; WAA INAAN FURIHII GURIGA KUSOO ILOWNAY WAARDIYIHII DABAQA 1AAD JOOGAY, EE AAN FURAHA WIISHKA KA RABNAY! SADDEXDIINA WAA LA MIYIR DABOOLAY, WAXAYNA KU SIGTEEN INAY NAXDIN LA DHINTAAN!
Qisadu waa mid xanuun badan, oo laga naxo balse waxay ku saabsan tahay xaqiiqada nolosha bani aadamka ee caadiga ah. Oo hadaan u qaybino nolosha qofka 3qaybood waxay noqonaysaa 25+25+25=75, intaasina waa cumriga sare ee uu qofka caadiga ahi gaari karo. Oo Rasuulkeenii (scw) wuxuu inoo sheegay ummadiisa cumri dhexaadkeedu inuu yahay inta u dhaxaysa 60 iyo 70, in yarina ay halkaa dhafi karto.
Hadaba maxay kala-yihiin sadexda qaybood? Waxaa badan in dadku ay; 25sano ee dhalin yaranimada ku nool yihiin; nolol u badan ciyaar, qosol, fikir la´aan, madadaalo iwm. Waana wakhtiga uu qofku ugu xoog badan yahay, uguna firifircoon yahay, haduu dhinaca khayrka u jeedsadana uu wax badan qabsan karo. 25sano ee xigta inta badan waxaa lagu mashquulaa noloshii dhabta ahayd; shaqo raadin, Guur raadin, reer samayn, ilmo dhalid iyo korin, waa wakhtiga tabcashada iyo dhibka nolosha lagu mashquulo.
25sano ee xigtana waxaa bilaabata dhibaatada caafimaadka; xanuun badan, tabar darro badan, daawo qaadasho fara badan iyo in da´da laysku noco oo shaqada loo diido qofka ay Da´diisu 50sano kor u dhaaftay. Dhinaca kalana Ilmihii oo dhibkooda ayaa sii bata, mid shaqo la´aan ah, oo Biil u bahan, mid guur u baahan, mid lasoo furay, mid wax haleeyay oo u baahan in dhib laga badbaadiyo iwm. Waxaana bilaabata inuu qofku ukala wareego Isbitaalada isagoo la dagaalamaya xanuuno badan oo soo weeraraya. Waana waqtiga uu qofka Caqligiisu dhamaystirmo, xaqiiqada noloshana si xeel dheer u dareemo, aadna uu u badiyo shalaytada iyo maxaan waxaa u qabsan waaya, maxaan sidaa u samayn waayay, maxaan waxaa u khalday iwm?
Qisada waxaa u danbaysay uguna xanuun badnayd inuu dhalinta kii u danbeeyay yiri waxaan hoos kusoo ilownay furihii Guriga! Taasi maxay ka dhigan-tahay? Jawaabtu way sahlan tahay, oo dadka badankoodu markay da´yarta yihiin waxay iloobaan ama dhinac maraan Diinta Rabbi (swt) qaada-shadeeda, ku dhaqankeeda, wax u qabadkeeda, u Jihaadkeeda. Taasina waxay lamid tahay qof kasoo tagay Furihii uu Gurigiisa Qabrigiisa ku gali lahaa, raalli ahaanshaha Rabbina (swt) ku mudan lahaa uu kasoo dhumay, goobtiina yimid isagoo fara maran oo aan fure haysanin. Waxaana dhab ah qofkaasi inuu lakul-mayo xanuun, dhib, ceeb iyo naxdin iyo shalayto fara-badan.
Taasina waxa naxasuusin kartaa; Xadiiskii uu Nabigu (scw) inoo sheegay in maalinta Qiyaamada ay jiraan 7tilmaamood oo dadka wataa ay harsan doonaan hooska Rabbi (swt) waxaana kamid ah, qof dhalin yaro ah oo kusoo barbaaray Alle (swt) kacabsi, Iimaan iyo khayr, oo aan soo marin waqtigii waalida, madadaala, haw-raaca, Diin ka-fogaanta iyo qiimaha arintaasi leedahay.
Qore: Axmed Cabdullaahi
| < Prev | Next > |
|---|






![]() | Today | 37 |
![]() | Yesterday | 57 |
![]() | This week | 37 |
![]() | Last week | 434 |
![]() | This month | 262 |
![]() | Last month | 1650 |
![]() | All days | 15874 |
Your IP: 38.107.191.95
,
Today: Sep 05, 2010
Count Your Visitors
Who's Online
Socdaallada dacwada
Gauteng
Eastern Cape
Wararkii hore
-
- Socdaalkii dacwo ee sh.Maxamed Idriis uu kusoo maray K/Afrika.
- Ololaha la dagaalanka Anshax-xumada oo dib looga bilaabay Western Cape.
- Jaaliyadda Soomaalida ee PE "Jaaliyad ku dayasho mudan"
- Muwaadin Soomaali ah oo lagu gubay tuulada Samoora ee Western Cape.
- Muxaadarooyin caafimaadka Guud ku saabsan oo ka bilowday Masjidu Sunnah Bellville
-
Bogagga Islaamiga
-
Bogagga Somaaliga











