|
|
|
|
من خصائص شهر رمضان أن الله تبارك وتعالى أنزل فيه القرآن، قال تعالى: {شَهْرُ رَمَضَانَ الَّذِيَ أُنزِلَ فِيهِ الْقُرْآنُ هُدًى لِّلنَّاسِ وَبَيِّنَاتٍ مِّنَ الْهُدَى وَالْفُرْقَانِ} [البقرة:185]، وهو دستور هذه الأمة، وهو الكتاب المبين، والصراط المستقيم، فيه وعد ووعيد وتخويف وتهديد، وهو الهدى لمن تمسك به واعتصم، وهو النور المبين، نور لمن عمل به، لمن أحل حلاله، وحرم حرامه، وهو الفاصل بين الحق والباطل، وهو الجد ليس بالهزل، فعلينا جميعاً معشر المسلمين العناية بكتاب الله تعالى قراءةً، وحفظاً، وتفسيراً، وتدبراً، وعملاً وتطبيقاً. فماذا أعددنا من ترتيبات وتجهيزات لنتسابق نتلو الآيات ترتيلا ونتدبرها جملة وتفصيلا ؟؟؟ |
Nabadgelyada iyo Ganacsiga Western Cape oo caadi kusoo noqday.
Kaddib dhibaatooyin dadka qaar loo geystay iyo cabsi ku saabsanayd in boob baahsan loo geysto ganacsiga soomaalida ee ku yaalla goobaha tuulooyinka ah ama magaalooyinka waaweyn ka baxsan ayaa hadda dadkii goobohooda ganacsi kasoo qaxay ay dib ugu noqdeen.
Guud ahaan Nabadgelayada Gobolku aad ayay u deggan tahay waxaana feejignaan dheeraad ah ku jira Boliiska iyo guud ahaan laamaha amniga ee dawladda oo shaqo badan ka qabtay sidii dhibaatooyinkii koobnaa ee dhacay toddobaadkii hore loo xakamayn lahaa.
Guddiga Dacwada ee Gobolkan Western Cape oo hoos yimaadda Golaha Albayaan ayaa ku hawlanaa muddadii toddobaadka ahayd ee ay arrinta cabsidu taagnayd sidii guud ahaan loo wacyi-gelin lahaa bulshada soomaaliyeed ee gobolka kunool iyadoo lagala hadlay masaajidda shirar kala duwanna lala qaatay qaar kamida ganacsatada iyo mas,uuliyiinka soomaalida ee arrimahani saamaynta ku yeesheen iyo sidii loogu diyaar garoobi lahaa haddiiba ay dhacdo dhibaato baahsan oo la mida tii May 2008-kii xilligaasoo kumanaan qof oo soomaali ah ay kusoo qaxeen xaafadda Bellville iyagoo kasoo cararay goobohoodii ganacsi ee tuulooyinka (Townships).
Arrimaha Nabadgelyo xumo e dhacay ma jirin cid ku dhaawacantay waxaase jiray dukaamo dhawr ah oo boob loo geystay iyo tirada laba dukaan oo la gubay, mar walbana waxay dawladdu ku adkaysanaysay in arrintani ay tahay fal dambiyeed ay wadaan dad kooban oo aan shacabka metelin ayna sharciga la tiigsan doonaan.
Dhawr goor ayaa madaxweynaha K/Afrika Jacob Zuma uu ka hadlay wuxuuna sheegay inaysan arrintu ahayd shisheeye nacayb (Xenophobia) sidii dhacday sannadkii 2008-dii, ee ay tahay sheekho kutiri-kuteen ah oo dad dambiilayaal ahi ay ka dambeeyaan.
Sidoo kale intii dhacdooyinkaasi socdeen waxaa ka hadlay xisbiyada kala duwan ee waddanka, Ururada ugu waaweyn ee waddanka iyo hoggaamiyayaasha bulshada gaar ahaan bulshada madowga ee waddanka u badan.
Saxaafadda oo arrimaha nabadgelyada xumada aad uga hadlayay toddobaadkii hore ayaa siyaabo kala duwan uga hadlayay waxa sababay weerarada loo geystay dadka ajaanibka ah, qarkood waxay ku sifeeyeen inay ka dambayso arrimo siyaasadeed oo ka dhexeeya xisbiyada kala duwan ee waddanka, qaarkoodna waxay sheegeen in ballanqaadyadii dawladdu ay u samaysay bulshada heerkooda noloshu uu hooseeyo aan loo fulin sidaa darteedna ay u ciqaabayaan dadka aad waddanka u dhalan ee la deggan ama ka dhexganacsada si dawladda ay ugu khasbaan inay soo farageliso.
Ilaahay mahaddii dhibaatadii iyo cabsidii weynayd ee ay qabeen gaar ahaan soomaalidu sidii la filayay ma noqon iyadoo dadaal badana ay bixiyeen jihooyin kala duwan sidii xaaladda loo dejin lahaa.
Soomaalida waddankan ku nool ayaa ah taariikh ahaan dad waddankan sumcad ku leh maadaama ay yihiin dad shaqaysta waddankana canshuur fara badan soo geliya, sidoo kalena waxay soomaalidu shaqaalaysiiyaan dadka waddanka u dhashay ee madowga ah.
Inkastoo ay iska jiraan dhibaatooyin kooban oo mararka qaarkood ay sabab u tahay is faham la,aan dhanka dhaqamada ama afafka ah oo dhex mara soomaalida iyo dadka ay la noolyihiin haddana guud ahaan sawirka soomaalida ee waddankan yaalla waa inay yihiin dad ganacsato ah oo waddanka wax kusoo kordhiyay.
SomaliCape News Desk
| < Prev | Next > |
|---|






![]() | Today | 37 |
![]() | Yesterday | 57 |
![]() | This week | 37 |
![]() | Last week | 434 |
![]() | This month | 262 |
![]() | Last month | 1650 |
![]() | All days | 15874 |
Your IP: 38.107.191.99
,
Today: Sep 05, 2010
Count Your Visitors
Who's Online
Socdaallada dacwada
Gauteng
Eastern Cape
Wararkii hore
-
- Socdaalkii dacwo ee sh.Maxamed Idriis uu kusoo maray K/Afrika.
- Ololaha la dagaalanka Anshax-xumada oo dib looga bilaabay Western Cape.
- Jaaliyadda Soomaalida ee PE "Jaaliyad ku dayasho mudan"
- Muwaadin Soomaali ah oo lagu gubay tuulada Samoora ee Western Cape.
- Muxaadarooyin caafimaadka Guud ku saabsan oo ka bilowday Masjidu Sunnah Bellville
-
Bogagga Islaamiga
-
Bogagga Somaaliga











