Sunday, September 05, 2010
   
Text Size

 

شهر القرآن

 

 

من خصائص شهر رمضان أن الله تبارك وتعالى أنزل فيه القرآن، قال تعالى: {شَهْرُ رَمَضَانَ الَّذِيَ أُنزِلَ فِيهِ الْقُرْآنُ هُدًى لِّلنَّاسِ وَبَيِّنَاتٍ مِّنَ الْهُدَى وَالْفُرْقَانِ} [البقرة:185]، وهو دستور هذه الأمة، وهو الكتاب المبين، والصراط المستقيم، فيه وعد ووعيد وتخويف وتهديد، وهو الهدى لمن تمسك به واعتصم، وهو النور المبين، نور لمن عمل به، لمن أحل حلاله، وحرم حرامه، وهو الفاصل بين الحق والباطل، وهو الجد ليس بالهزل، فعلينا جميعاً معشر المسلمين العناية بكتاب الله تعالى قراءةً، وحفظاً، وتفسيراً، وتدبراً، وعملاً وتطبيقاً.

فماذا أعددنا من ترتيبات وتجهيزات لنتسابق نتلو الآيات ترتيلا ونتدبرها جملة وتفصيلا ؟؟؟

:: خصائص شهر رمضان ::

:: شهر القرآن حياة القلوب ::

:: رمضان شهر القرآن ::

:: ملــف رمضــــــان طـريـق الإســــــلام ::

 

 

 

 

 

 

 

      

 

 

                       

 

 

                              

               

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Carabta iyo af carabigu ma ajnabibaa? (qeybta 1aad) Sh Ahmed Cabdi Samad

Boosaaso:-Inkastoo ay horey u jireen dad ku hawlan in shacabka Soomaaliyeed la kala fogeeyo iyo in laga fogeeyo diintooda iyo dadkooda, haddana waxaa beryahaan soo xoogaysanaya dadka ka doodaya magacyada carbeed ee dadkeenu la baxaan ama ay u baxshaan goobaha iyo hay’adaha ay qadarinayaan.

Waxay kaloo buuq iyo dicaayad farabadan ku hayaan luqada carabiga iyo manaahijta waxbarashada ee af carabiga ku baxda.


Golayaasha shacabka iyo hay’adaha loo yaqaan sharci dajintuna kama nastaan loolan adag oo dhexdooda ah, kaas oo rag ku doonayaan in la tirtiro qodobka distuuriga ah ee afka carabiga uga dhigaya dalka luqad rasmi ah. Waxaa kaloo jira rag kulan kasta doonaya inay shacabkeena luqadihii gumaystayaasha ku kakabiyaan oo uga dhigaan luqao rasmi ah

[1].  Rag kale oo aan ishooda mudac marin baa iyana har cad isla soo taagay in shacabka Soomaaliyeed uusan carab ahayn ee uu u dhashay Cushitic!.

Intaa waxaa dheer in hay’adaha samafalka iyo kuwo waxbarashada ee carbeed loo baxsho ajnabi, laguna tuhmaysto iyaga iyo ciddii xiriir la yeelataba argagixisanimo.

Waxaan intaa ka hawlayarayn in qofkii  carab ah ama muslim kale ah oo dalkeena yimaada loola dhaqmo sidii cadawgii halka gaalada dalkay doonaan ha u dhasheene gacmo furan lagu soo dhaweynayo.

Tillaabooyinkaas oo dhammaan u  muuqda kuwo lagu doonayo in shacabka Soomaaliyeed lagaga fogeeyo diintooda, afkooda aabbe iyo ummadda carbeed oo ay diin iyo dhalashaba wadaagaan.

Haddaba si aynu u ogaano in carabta iyo af carabigu ajnabi ina ka yihiin iyo in kale aynu marka hore eegno xiriirka Soomaalida kala dhexeeya carabta iyo af carabiga.      


Islaamnimada iyo af carabiga


Soomaalidu 100% waa muslimiin, islaamnimadana aad bay u jeceshahay.

Waxay kaloo jeceshahay wax kasta oo islaamnimada xiriir la leh oo ah dad, dal iyo afba. Haddaba aynu wax ka tibaaxno arrimahaas:



  1. islaamka waxaa saldhig u ah Qur’aanka iyo Xadiiska nabiga (scw) oo labaduba af carabi ku soo degay, kuna qoran. Qofka muslimka ahina kama maarmo in uu akhriyo, uuna fahmo hadalka Ilaahay iyo kan rasuulkiisa; si uu ugu dhaqmo, jiilalka dambena ugu gudbiyo. Taasi waxay keenaysaa in shacabka Soomaaliyeed meeshuu doono ha joogee jeclaado, kuna dadaalo barashada iyo faafinta afka carabiga.

  2. Waxaa ku qoran afka carabiga culuumtii islaamka ee kala duwanayd, sida: tafsiirka Qur’aanka, sharaxa xadiiska, axkaamta fiqhiga ah, caqiidada, akhlaaqda, siirada nabiga (scw), taariikhda islaamka iyo suugaanta carbeed oo inta badan xambaarsan dhaqankii islaamka. Qofka ama bulshada aan baac ku lahayn afka carabigana waxay ka qadayaan dhaxalka ballaaran ee islaamka.

  3. Waxaa kale oo qofka muslimka ah u baahanyahay in uu ka barto afka carabiga qadar ugu filan salaadda, adkaarta (wardiga), istiqfaarta iwm. Qofkii intaas baran waayana cibaadadiisa oo salaaddu ugu horrayso ayaanba ansaxayn.

  4. Diinta islaamku waxay u soo dagtay in ay xaqiijiso danaha adduun iyo kuwa aakhiro ee addoomada, ayna ka hortagto wax kasta oo addoomada adduun iyo aakhiro dhibaya. Taa macneheedu waxaa weeye in dadku fahmaan, kuna dhaqmaan waxa diintoodu fartay, ayna ka dheeraadaan waxa ay ka reebtay; si ay u gaaraan wanaagga ay la doonayso. Mana suurtoobi karto in dadku hirgaliyaan wax aysan fahamsanayn. Fahamka diintana afka carabigu saldhig buu u yahay.

  5.  Dhinaca kale islaamnimadu ma sii jiri karto haddii aan bulshada laga dhex helin dad aqoon sare u leh af carabiga oo diinta si buuxda ugu fahma, ka dibna bulshada bara. Taas waxay tusaysaa in af carabigu soomaalida u yahay af diineed oo aysan ka maarmin.           

Soomaalida iyo carabnimada


 Shacabka Soomaaliyeed dhalasho ahaan waa shacab carbeed oo waliba badankiisu ku abtirsado Quraysh waliba reer Banii Haashim ah. Tirada yar ee aan carabta ku abtirsana waxay walaalo kula yihiin islaamnimada, qaraabanimada (xidid iyo xigaalo), deegaanka, afka, taariikhda iyo masaalixdaba. Waxayna la wadaagaan walaalohood jacaylka iyo hirgalinta afka carabiga.


Waxyaabaha Soomaali isku wafaqsantahay waxaa ugu horreeya islaamnimada, ka dibna carabnimada. Wax dood iyo muran ahna kaga ma jiraan Soomaalida inay carabyihiin, sooyaalkoodii horena way ku caddahay arrintaas af ahaan iyo qoraal ahaanba.Waxaa kale oo sii xoojinaya ijmaaca shacbiga ah (isku raacsanaanta loo dhanyahay) ee ay xilligaan ku qabaan carabnimadooda. Waxaan arrintaan kaga hadlay goobo badan oo ku kala yaal magaalooyin kala duwan ee Soomaaliyeed, dadweynahana waxaan si cad u weydiiyey inay carabyihiin iyo in kale, jawaabtooduna waxay ahayd hal mid oo aysan isku khilaafin.


Magaalooyinka aan dadka abtirkooda masaajidda iyo fagaarayaasha ku waydiiyey waxaa ka mid ahaa: Kismaayo, Baydhabo.

[2], Muqdisho, Gaalkacyo, Galdogob, Garoowe, Boosaaso, Laascaanood, Caynaba, Burco, Oodweyne,  Berbera iyo Hargeysa. Intaba dadka wax shaki ah kaga ma jiro dhalashadooda, wayna isku wada raacsanyihiin xaqiiqada aan soo sheegnay. Mana jiro wax abtir ah oo Soomaali sheegato oo ka duwan kaa aan soo sheegnay. Wixii intaa ka baxsan waa uun dad ku hadaaqaya dacaayadihii gumaysigu doonayey inuu dadkeena ku marin habaabiyo, hadaaqaasina wax cilmi ah kuma dhisna, jid iyo jaho loo raacana ma leh[


Deegaanka, dhaqanka, taariikhda iyo masaalixda

Dadka ka hadla aragtiyaha qowmiyadda qolaba wax bay u celisaa asalka qowmiyadda, waxaana ka mida aragtiyahaas: diinta, isirka, afka, wadanka, dhaqanka, taariikhda la wadaago iyo danaha ka dhexeeya. Inkastoo diintu ay tahay waxa qura ee ummadda muslimiintaa mideeya, haddana si aynu ula gurino ragga  hadalada loo soo dhiibay ina kula meeraysanaya bal aynu shacabka soomaaliyeed aragtiyahaan mid mid ugu eegno. Wadankeena iyo dalalka Jaziirada carabta waxaa u dhexeeya badda cas uun, bii’ada dhulkeenuna wax yar mooyee kama duwana tan Jaziirada carabta.


Dhinaca dhaqankana wax shaki ah kaa gali maayo inay dadka jaziirada carbeed iyo Soomaalidu isku dhaqan yihiin marka laga tago inta yaree qolo walba ay ka dhaxashay gaaladii gumaysan jirtay. Xagga taariikhdana kutubta soomaalidii hore qortay, sheekooyinkooda, maahmaahyadooda, gabayadooda, socdaaladooda, dadkii soo booqan jirey ama la soo dagi jirey iyo xiriiradoodii ganacsi intuba waxay tusayaan in taariikhda soomaalidu taariikh carbeed ahayd ee aysan lug weyn ku lahayn quruumo kale marka laga reebo loolankii ay muslimiinta bariga afrika boqortooyadii Xabashida kula jireen muddada dheer iyo gumaysigii Yurub oo hal qarni ka hor gayiga soomaalida soo caga-dhigtay. Bal aynu qoraallada, sheekooyinka iyo suugaanta soomaalida ka soo helno Kushiti, afrikan, zunuuj iwm.

Dhanka masaalixda Somalidu xilligii gumaysiga ka hor wixii dalkeeda ka baxsan waxay ka jirin jirtey dhulalka carbeed, ha ahaato cilmi doonasho, cibaadaysi, hiil raadsi, ganacsi, shaqo doonasho ama guuritaane.


Af carabiga iyo masaalixda Soomaaliyeed


Soomaalidu marka laga tago danaha diimeed iyo siyaasadeed waxaa ugu jira barashada iyo xoojinta af carabiga faa’iidooyin badan oo aysan luqadaha kale ka helayn, waxaana ka mida: a) Soomaalidu ganacsiga ugu badan waxay la leeyihiin dalalka carbeed, dadkuna cidda ay la macaamilayaan afkeeda si gaara ayay ugu baahanyihiin, b) ardayda ugu badan ee dibadda wax ka barata waxay wax ku bartaan dalalka carbeed, sida: Suudaan, Masar, Yaman, Sucuudiga, Suuriya, Urdun iyo dalalka Khaliijka, ardaydaasina waxay si gaara ugu baahanyihiin af carabiga. Waliba dalalka carbeed waxay ardayda Soomaaliyeed siiyaan waxbarasho lacag la’aan ah.


Dastuurka Soomaaliyeed iyo carabnimada


Dhalashada aynu ka hadalnay ka sokow Soomaali waxay ka mid tahay jaamacadda carabta, luqada carabiguna waxay u tahay luqad rasmi ah, carabta iyo muslimiinta kalena dal carbeed bay u yaqaanaan, ulana dhaqmaan.

Haddaba aynu is weydiinee dadka carabnimada soomaaliyeed ama luqada carabiga afka ku balaqsiinaya hadday iska indha-saabeen diinta, dhalashada, taariikhda, afka, masaalixda iyo mawqifka shacabka ee ku midaysan carabnimada iyo doorashada luqada carabiga maxay isaga indha-tirayaan dastuurka soomaaliyeed ee ay ku caddahay carabnimada shacabka soomaaliyeed iyo inay luqada carabigu dalka iyo dadka u tahay luqad rasmi ah?. Maxayse la arki la’yihiin ictiraafka beesha caalamka ee ay booskii diinta Alle dhigeen?.

Mise dastuurka iyo mawqifka beesha caalamku qiime ma leh hadday danta soomaaliyeed ku jirto, markii lagu dhibaataynayase waa muqaddas?.


Carab iyo af carabigu ma ajnabibaa?


 Haddaynu isla meeldhignay xiriirka ka dhexeeya islaamnimada iyo af carabiga, aynu aragnay sida dadkeenu u jecelyahay wax kasta iyo cid walba oo xiriir la leh islaaminmada, isla markaana ay inoo caddaatay abtirka carbeed ee Soomaali ku midaysantahay iyo waxyaabaha kale ee isu haya shacabka Soomaaliyeed iyo shucuubta kale ee carbeed, sida: taariikhda, deegaanka iyo masaalixda, ka dibna aynu isla qirnay in Soomaalidu tahay dal carbeed oo xubin ka ah jaamacadda carabta, aadanuhuna isku raacsanyahay, afka carbeedna dalka iyo dadka u yahay luqad rasmi ah, haddaynu intaas oo dhan is la fahamnay waxay ila tahay in aan la oran karin carabtu waa ajnabi ama af carabigu waa luqad ajnabi ah; erayga ajnabi wuxuu la macne yahay: shisheeye, qofkuna abtirkiisa ama afka awoowayaashiis kama noqon karo shisheeye.


 


Haddii cuqdadaas laga biskooday waxaynu qormada qaybteeda dambe ku eegi doonnaa (haddii Alle idmo) shubhooyinka ay ragga ka buka carabnimada iyo carabigu gaashaanka uga dhigtaan duullaankood


[1] ) Shirkii Eldoret rag baa shirkii ka kacay markii laga diiday in Talyaaniga lagu daro luqadaha rasmigaa ee dalka!.


[2] ) Masjidka jaamica ee Baydhabo ayaan salaad jamce ka dib ka istaagay, markaasaan jamaacadii ku iri: sow carab ma ahain?. Waxay dheheen: haa. Haddana waxaan ku iri: afkeena iyo kan reer abtigeen kee ina xiga?. Waxay iigu jawaabeen: keenaa ina xiga. Waaxaan ku iri: haddaba ogaada af soomaaligu lahjadduu doono ha noqdee waa afkii reer abtigeen, carabiguna waa afkii reer adeerkeen.


[3] ) waxaa la ii sheegay inuu xilligii kacaanka yimid magaalada Buurtinle wafdi uu hoggaaminayo nin reer woqooyi ah, ka dibna uu dadweynihii u sheegay inay soomaalidu Kushiti tahay. Ka dibna oday baa weydiiyey: oo adeer xaggaynu Kushitiga ka galnaa, xaggeese isagu galaa?. Ka dibna ninkii madaxda ahaa laftiisii ayay malaha carabnimadii qaadayoo wuxuu yiri: oo miyaan garanaynaa waxaa uun bay noo sheegeene?!.

Sh Axmed C/samad .
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

Comments (0)
Write comment
Your Contact Details:
Comment:
Security
Please input the anti-spam code that you can read in the image.
You must have Flash Player installed in order to see this player.
mod_vvisit_countermod_vvisit_countermod_vvisit_countermod_vvisit_countermod_vvisit_countermod_vvisit_counter
mod_vvisit_counterToday37
mod_vvisit_counterYesterday57
mod_vvisit_counterThis week37
mod_vvisit_counterLast week434
mod_vvisit_counterThis month262
mod_vvisit_counterLast month1650
mod_vvisit_counterAll days15874

We have: 1 guests, 3 bots online
Your IP: 38.107.191.97
 , 
Today: Sep 05, 2010

Count Your Visitors

39950 Visitors

Who's Online

We have 4 guests online

         

 

   Socdaallada dacwada

    Gauteng

     Western Cape

     Eastern Cape

 

Wararkii hore

  •  
    • Socdaalkii dacwo ee sh.Maxamed Idriis uu kusoo maray K/Afrika.
    • Ololaha la dagaalanka Anshax-xumada oo dib looga bilaabay Western Cape.
    • Jaaliyadda Soomaalida ee PE "Jaaliyad ku dayasho mudan"
    • Muwaadin Soomaali ah oo lagu gubay tuulada Samoora ee Western Cape.
    • Muxaadarooyin caafimaadka Guud ku saabsan oo ka bilowday Masjidu Sunnah Bellville