|
|
|
|
من خصائص شهر رمضان أن الله تبارك وتعالى أنزل فيه القرآن، قال تعالى: {شَهْرُ رَمَضَانَ الَّذِيَ أُنزِلَ فِيهِ الْقُرْآنُ هُدًى لِّلنَّاسِ وَبَيِّنَاتٍ مِّنَ الْهُدَى وَالْفُرْقَانِ} [البقرة:185]، وهو دستور هذه الأمة، وهو الكتاب المبين، والصراط المستقيم، فيه وعد ووعيد وتخويف وتهديد، وهو الهدى لمن تمسك به واعتصم، وهو النور المبين، نور لمن عمل به، لمن أحل حلاله، وحرم حرامه، وهو الفاصل بين الحق والباطل، وهو الجد ليس بالهزل، فعلينا جميعاً معشر المسلمين العناية بكتاب الله تعالى قراءةً، وحفظاً، وتفسيراً، وتدبراً، وعملاً وتطبيقاً. فماذا أعددنا من ترتيبات وتجهيزات لنتسابق نتلو الآيات ترتيلا ونتدبرها جملة وتفصيلا ؟؟؟ |
Caqliga iyo caadifadda (Maqaal)
Aduunyadu meel ma taagna isbadalkeeduna waa joogto wacyiga bani’aadamka iyo hadba siduu u fikirayana waxaa saameyn ku leh duruufaha ku xeeran waana mida salka u ah marka hawadaadu kuu been sheegto in tabartaadu kuu runsheegto ama ay na tusayso murtida caanka ah ee tiraahda “Dani waa seeto”.
Alle ha unaxariisto qofka naftiisa awoodeeda garta, xamasadaadu haday xuduudda caqligaaga dhaafto waxaa suura gala in dadaalkaagu wax badan ufaaiidayn waayo jiilka aad ku dhex nooshahay, haddii aadanba culays ku noqonin ama cimrigaagu uu ku dhamaado dadaal aan midha dhalin sida roob onkod badan oo dhibca waawayn laakin ku hooray carra seel aan caada ulahay inay cagaar bixiso.
Haddaba xamaasadda xuduudda leh iyo caqliga dabinkaboodka ah ee isu qiyaasikara ka faa iidaysiga fursadaha lasiman ee ay xanbaarsanyihiin waayaha uu ku noolyahay diin iyo aduunyaba iyo ka leexashada turun turooyinkii uu lasoo kulmay safarkiisii hore, ama wixii qalin daaray kooxo ay mabda wadaag lahaayeen ama ay iska shabaheen astaamaha qaar, kaasoo waliba uu u qiyaasanyahay habeen dhaxa safarkiisa iyo sahayda ku haboon islamarkaana doorta jid toobiya ah iyo saaxiib daacada, qorshaha lagu hawlgaliyo jaangooynta noocan oo kale ah wuxuu mudanyahay inuu xaqiijiyo hadafkii laga lahaa hadayse dhici waydo ama jidku dheeraado canaan iyo cidhibxumo sabab uma noqdo, waxyse sii halis badantahay xamaasaddu marka ay u xuubsiibato isla-qumanaan dhamaystiran oo aan lagaga dabadhufan ficil iyo qowl midna warkeedana iskabadaa marka ay ka shidaal qaadato tacasub ku qotoma kalitalisno diimaysan ama qabyaalad mowqifkeedu fogaaday.
Xaamaasada xowligeedu sareeyo oo mararka qaar qofku khayaalkiisa ama riyo maalmeediisu moodsiiso inuu cirka madaxa ku qaadikaro muddo kadib markuu xiiqo ruuxaasu waxaa suuragala in quusashadu ay lagaadho inuu ku kaaftoomo ka sheekeynta fashiladii hore ee kudhacay oo uu ka quusto inuu wax qaban karo ama uu ku qanco intaa kaddib wadada kali ah ee furan inay tahay in Nabi Ciise (CS) la iska sugo. Haddaba soo ma khayrbadna umuurta teeda dhex dhexaadka ah.?
Maxamuud Maxamed Adar
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
| < Prev | Next > |
|---|






![]() | Today | 34 |
![]() | Yesterday | 57 |
![]() | This week | 34 |
![]() | Last week | 434 |
![]() | This month | 259 |
![]() | Last month | 1650 |
![]() | All days | 15871 |
Your IP: 38.107.191.97
,
Today: Sep 05, 2010
Count Your Visitors
Who's Online
Socdaallada dacwada
Gauteng
Eastern Cape
Wararkii hore
-
- Socdaalkii dacwo ee sh.Maxamed Idriis uu kusoo maray K/Afrika.
- Ololaha la dagaalanka Anshax-xumada oo dib looga bilaabay Western Cape.
- Jaaliyadda Soomaalida ee PE "Jaaliyad ku dayasho mudan"
- Muwaadin Soomaali ah oo lagu gubay tuulada Samoora ee Western Cape.
- Muxaadarooyin caafimaadka Guud ku saabsan oo ka bilowday Masjidu Sunnah Bellville
-
Bogagga Islaamiga
-
Bogagga Somaaliga











