|
|
|
|
من خصائص شهر رمضان أن الله تبارك وتعالى أنزل فيه القرآن، قال تعالى: {شَهْرُ رَمَضَانَ الَّذِيَ أُنزِلَ فِيهِ الْقُرْآنُ هُدًى لِّلنَّاسِ وَبَيِّنَاتٍ مِّنَ الْهُدَى وَالْفُرْقَانِ} [البقرة:185]، وهو دستور هذه الأمة، وهو الكتاب المبين، والصراط المستقيم، فيه وعد ووعيد وتخويف وتهديد، وهو الهدى لمن تمسك به واعتصم، وهو النور المبين، نور لمن عمل به، لمن أحل حلاله، وحرم حرامه، وهو الفاصل بين الحق والباطل، وهو الجد ليس بالهزل، فعلينا جميعاً معشر المسلمين العناية بكتاب الله تعالى قراءةً، وحفظاً، وتفسيراً، وتدبراً، وعملاً وتطبيقاً. فماذا أعددنا من ترتيبات وتجهيزات لنتسابق نتلو الآيات ترتيلا ونتدبرها جملة وتفصيلا ؟؟؟ |
Madaxweynaha K/Afrika oo ka hadlay Arrimaha Nabadgelyada
Madaxweynaha K/Afrika Jacob Zuma ayaa waraysi uu siiyay telefishanka SABC kaga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay dhibaatada loo geystay qaar kamida dadka ajaanibka ah ee ku nool waddankan oo soomaaliduna ay qayb muhiim ah ka tahay.
Madaxweynaha ayaa sheegay in ilaa imminka waxa dhacay aysan ahayn shisheeye-nacayb (Xenophobia) balse dad yar oo dembiilayaal ah ay fursad cabsi gelin ah ka faa,iidaysanayaan, wuxuu kalo Jacob Zuma intaa ku daray in marnaba K/Afrika aysan sidii hore ku noqon doonin dhanka Dembiyada abaabulan (crime) oo heerkoodu aad u sarreeyay haddase aad moodo in aad wax looga qabtay intii ay socdeen Ciyaarihii WC 2010.
Madaxweynaha oo ka hadlayay Sumcaddii ay dawladdiisu ka kasbatay sidii nabadgelyada lahayd ee ay u martigeliyeen Ciyaarihii ayaa sheegay in uusan filayn in shacabka K/Afrika oo dadkii Adduunka ka kala yimi si diiran usoo dhoweeyay ay hal habeen is beddelaan.
Arrintan ayaa cabsi ku keentay dadka ajaanibka ah gaar ahaan Soomaalida oo qaarkood goobohoodii ganacsiga ay kasoo tageen, kaddib markii ay soo baxday cabsi ku saabsan in ganacsigooda dhibaato loo geysan doono,iyadoo guud ahaan gobolka Western Cape ay saxaafaddu aad u hadal haysay maalmahan arrinta ku saabsan dhibaato loo geysto ganacsiga soomaalida ayaa haddana deegaamo badan aan cidina kasoo bixin oo ganacsigoodii si taxadar ku jiro ay u wateen, halka dadkii bellville kusoo qaxayna qaarkood ay dib u noqdeen.
Guud ahaan laamaha amniga ee dawladda iyo qaar ka mida Siyaasiyiinta xisbiyada iyo hoggaamiyayaasha Bulshada ee Waddanka ayaa cambaareeyay in dhib loo geysto dad aan waxba galabsan oo waddankana sharci ku jooga, waxayna isku raaceen in dhibaatadanin aysan ahayn Xenophobia ee ay tahay dembi (crime) ay dad yari ka dambeeyaan sharcigana lala tiigsan doono cid walba oo dadka dhibaato u geysata.
Xisbiga Pan Africanist Congress (PAC) ayaa bayaan uusoo saaray aad ugu cambaareeyay weerarada lo geytay dadka ajaanibka ah baaqna usoo jeediyay S/Afrikan-ka inay u midoobaan dadka yar ee dambiilayasha ah ee go,aansaday inay dhibaato u geystaan dadkia aan waxba galabsaan ee kasoo jeeda isla qaaraddan Afrika.
Xisbiga kale ee SACP ayaa isaguna bayaan uu arrintan kasoo saaray aad ugu cambaareeyay wuxuuna diiday in arrintani tahay Xenophobia "Ma aha Xenophobia waa Fal-dambiyeed" , waxay kaloo uga digeen saxaafadda inay arrintan buun-buuniyaan.
Ugu dambayn Xaaladda guud ee gobolka ayaa deggan waxaana qaybo ka mida tuulooyinka (Townships) gaaf wareegaya Police-ka iyo Millatery-ga si ay u xakameeyaan haddii la isku dayo falal kale oo dheeraad ah, waxaana jira tiro dad ah oo arrimahan loo qabtay.
Somalicape News Desk
-
2010-07-14 01:17:35 |198.54.202.xxx| GuledMaasha Allaah waa warbixin wanagsan
- 1
- 0
| < Prev | Next > |
|---|






![]() | Today | 37 |
![]() | Yesterday | 57 |
![]() | This week | 37 |
![]() | Last week | 434 |
![]() | This month | 262 |
![]() | Last month | 1650 |
![]() | All days | 15874 |
Your IP: 38.107.191.96
,
Today: Sep 05, 2010
Count Your Visitors
Who's Online
Socdaallada dacwada
Gauteng
Eastern Cape
Wararkii hore
-
- Socdaalkii dacwo ee sh.Maxamed Idriis uu kusoo maray K/Afrika.
- Ololaha la dagaalanka Anshax-xumada oo dib looga bilaabay Western Cape.
- Jaaliyadda Soomaalida ee PE "Jaaliyad ku dayasho mudan"
- Muwaadin Soomaali ah oo lagu gubay tuulada Samoora ee Western Cape.
- Muxaadarooyin caafimaadka Guud ku saabsan oo ka bilowday Masjidu Sunnah Bellville
-
Bogagga Islaamiga
-
Bogagga Somaaliga











