|
|
|
|
من خصائص شهر رمضان أن الله تبارك وتعالى أنزل فيه القرآن، قال تعالى: {شَهْرُ رَمَضَانَ الَّذِيَ أُنزِلَ فِيهِ الْقُرْآنُ هُدًى لِّلنَّاسِ وَبَيِّنَاتٍ مِّنَ الْهُدَى وَالْفُرْقَانِ} [البقرة:185]، وهو دستور هذه الأمة، وهو الكتاب المبين، والصراط المستقيم، فيه وعد ووعيد وتخويف وتهديد، وهو الهدى لمن تمسك به واعتصم، وهو النور المبين، نور لمن عمل به، لمن أحل حلاله، وحرم حرامه، وهو الفاصل بين الحق والباطل، وهو الجد ليس بالهزل، فعلينا جميعاً معشر المسلمين العناية بكتاب الله تعالى قراءةً، وحفظاً، وتفسيراً، وتدبراً، وعملاً وتطبيقاً. فماذا أعددنا من ترتيبات وتجهيزات لنتسابق نتلو الآيات ترتيلا ونتدبرها جملة وتفصيلا ؟؟؟ |
Kulan Nabadgelyada ku saabsan oo lagu qabtay Worcestor
Kulankan oo lagu qabtay Masjidka magaalada Worcestor ayaa waxaa kasoo qayb galay Guddoomiyaha Muslimiinta K/Afrika (Muslim Judicial Council) MJC Sh.Ixsaan,Taliyaha Boliiska ee Worcestor,Xubno ka tirsan Guddiga Dacwada ee Western Cape,Ganacsatada Soomaalida ee Worcestor iyo muslimiinta kale ee reer Worcestor.
Ugu horrayn kulanka waxaa furay Madaxa bulshada Muslimka ah ee Worcestor oo sheegay in si gaar ah kulankan ay Soomalidu u codsadeen, kaddib markii dhawr maalmood ka hor 2 dhallinyaro soomaliyeed lagu dilay Worcestor dhawr kalena la dhaawacay ayna barbar socotay cabsi guud oo dhanka nabadgelyada ah kuna aaddan in dadk aan waddanka u dhalan dhibaato loo geysto.
Intaa kaddib waxaa hadalka Qaatay Madaxa MJC Sh.Ixsaan oo si guud iyo si gaar ahba ula hadlay dadkii kulankaa kasoo qayb galay,waxaana hadalada sheekhu ay u badnaayeen in muslimintu guud ahaan ay gacmaha is qabsadaan dhexdoodana aysan dhibaato ka dhicin dadka kale ee ay ku dhex noolyihiin ee aan muslimiinta ahayna ay ixsaan u sameeyaan una naxariistaan, wuxuuna sheekhu dhawr tusaale usoo qaatay sidii Muslimiinta waddankan ku nool ay muddo boqolaal sano ah si nabadgelyo ah ula noolaayeen dadka kale ee aan Muslimiinta ahayn.
Si gaar ah wuxuu sheekh Ixsaan uga hadlay in waxyaabo yaryar oo tabarucaad ah oo ay iska ururiyaan ganacsatada Muslimiinta ah gaar ahaan soomaalida oo u badan ayna ku cawiyaan goobaha waxbarashada ama dadka dhibaataysan ee deeganka ay qayb weyn ka qadan karto isfahamka bulshada dhexdeeda ah iyo nabadgelyada labadaba.
Waxaa isaguna halkaa hadal kooban kasoo jeediyay Taliyaha Boliiska ee Worcestor oo sheegay in Dhibaatadii dilka iyo dhawaca ahayd ee dhowaan ka dhacday Worcestor dad ay u xidhan yihiin baadhitaana uu ku socdo marka lasoo gabagabeeyana sharciga la horkeeni doono, sidoo kale wuxuu ka hadlay guud ahaan cabsida ku saabsan in boob iyo weerrao shisheeye nacayb ahi dhici doonaan, wuxuuna sheegay in Dawladdu markan ay intii hore ka diyaar-garow wanaagsan tahay, ballanqaadna aysan bixinayn inaysan wax dhicin laakiin ay diyaar u yihiin wixii dhaca iyagoo ka faa,iidaysanaya waaya aragnimada ay ka heleen Weeraradii dhacay sannadkii 2008, iyo hawlihii ciyaaraha sida nabadgelyada loo adkeeyay iyo ciidamada amniga oo aad loo kordhiyay tiradooda.
Intaa kaddib Waxaa laga codsaday Kasoo qayb galayaasha kale inay aragti ka bixiyaan arrimaha nabadgelyada ee laga hadlayo waxaana hadalkii lagusoo dhoweeyay Sh.Axmed Maxamed Xuseen (Bahjudiin) oo mahadnaq usoo jeediyay Sh.Ixsaan iyo guud ahaan kasoo qayb galayaasha isagoo halkaa afsoomaali ugusoo koobay waxyaabihii ay sheegeen Mas,uuliyiinta shirka ka hadlay kana codsaday soomaalida qofkii su,aal usoo jeedinaya Boliiska inuu soo jeediyo.
Taliyaha boliisku dhawr su,aalood oo soomaalidu weydiiyeen ayuu uga jawaabay wuxuuna sheegay inay diyaar u yihiin shacabka saacad walbana ay soo wici karaan.
Ugu dambayn waxaa la isku afgartay in kulankani uu ahaado mid bilow ah lana qabto mustaqbalka kulamo kale oo lagaga arrinsanayo xoojinta xidhiidhka u dhexeeya muslimiinta dhexdooda iyo la macaamilka bulshada kale ee aan muslimka ahayn ee ay la noolyihiin.
Albayaan News Desk
-
2010-07-14 16:47:25 |78.26.29.xxx| langarewaxaaan leeyahay sidaas ha looga shaqeyo nabadgalyada waxaa kaloo in laysku daya ah in aad wax u qabataan dadka danta yar ee ku dhaxnooshihiin si aad u kasbataan maskaxdooda
- 0
- 0
| < Prev | Next > |
|---|






![]() | Today | 34 |
![]() | Yesterday | 57 |
![]() | This week | 34 |
![]() | Last week | 434 |
![]() | This month | 259 |
![]() | Last month | 1650 |
![]() | All days | 15871 |
Your IP: 38.107.191.96
,
Today: Sep 05, 2010
Count Your Visitors
Who's Online
Socdaallada dacwada
Gauteng
Eastern Cape
Wararkii hore
-
- Socdaalkii dacwo ee sh.Maxamed Idriis uu kusoo maray K/Afrika.
- Ololaha la dagaalanka Anshax-xumada oo dib looga bilaabay Western Cape.
- Jaaliyadda Soomaalida ee PE "Jaaliyad ku dayasho mudan"
- Muwaadin Soomaali ah oo lagu gubay tuulada Samoora ee Western Cape.
- Muxaadarooyin caafimaadka Guud ku saabsan oo ka bilowday Masjidu Sunnah Bellville
-
Bogagga Islaamiga
-
Bogagga Somaaliga











