|
|
|
|
من خصائص شهر رمضان أن الله تبارك وتعالى أنزل فيه القرآن، قال تعالى: {شَهْرُ رَمَضَانَ الَّذِيَ أُنزِلَ فِيهِ الْقُرْآنُ هُدًى لِّلنَّاسِ وَبَيِّنَاتٍ مِّنَ الْهُدَى وَالْفُرْقَانِ} [البقرة:185]، وهو دستور هذه الأمة، وهو الكتاب المبين، والصراط المستقيم، فيه وعد ووعيد وتخويف وتهديد، وهو الهدى لمن تمسك به واعتصم، وهو النور المبين، نور لمن عمل به، لمن أحل حلاله، وحرم حرامه، وهو الفاصل بين الحق والباطل، وهو الجد ليس بالهزل، فعلينا جميعاً معشر المسلمين العناية بكتاب الله تعالى قراءةً، وحفظاً، وتفسيراً، وتدبراً، وعملاً وتطبيقاً. فماذا أعددنا من ترتيبات وتجهيزات لنتسابق نتلو الآيات ترتيلا ونتدبرها جملة وتفصيلا ؟؟؟ |
Kulan wayn oo lagu qabtay Madarasada Alsunnah (Cape Town)
Kulankan oo ay soo qaban qaabiyeen maamulka Madarasada As-sunnah ee ku taal magaalada Cape Town oo la kaashaday gudiga dacwada ee W/cape ayaa waxaa ka soo qaybgalay waalidiinta ardayda, Gudiga Dacwada iyo marti-sharaf kale, kulankan oo si heersare ah loo soo abaabulay ayaa ujeedadiisu ahayd horumarinta Madarasada As- sunnah.
Ugu horayn waxaa waxaa u mahad celiyay kasoo qaybgalayaasha kulanka maamulaha madarasada Macallin Xuseen Axmed Nadir (Nageeye) isagoo sharxay ahmiyadda ay leedahay iskaashi wayn oo dhexmara waalidiinta iyo howl wadeenada Madarasada maamul iyo macalimiinba sidoo kale macallinku wuxuu ku dheeraaday sida hagar la, aanta ah ee gudiga dacwadu isu garabtaagay madarasada iyagoo ka gudbiyay caqabado waa wayn oo ka horyimid oo maskax iyo maalba u huray.
Muxaadaro qiima badan oo uu sh/cabdullaahi Cabdi Ibraahim Imaamka iyo khadiibka masjidka al-sunnah soojeediyay oo uu waalidka ku dareensiiyay masuuliyadda tarbiyada ilmahooda ka saaran kadib waxaa masraxa soo istaagay mid kamida ardayda madarasada si uu u daadihiyo habsami usocodka xafladda isagoo markiiba ku soo dhoweeyay arday aad da doodu uyartahay oo si talantaalli ah isu waydaarsanayay ku hadalka luqadda carabiga taasoo filanwaa ku noqotay waalidiintii ardayda iyo kasoo qaybgalayaashiiba, sidoo kale waxay ardaydu golahaas kusoo bandhigeen wax tusaale u ah dadaalka hagar la 'aneed ee macalimiintu ay ku bixiyeen ardayda, iyadoo shucuurka waalidiinta laga dheehan karay sida ay ugu qanacsanyihiin heerka caruurtoodu marayso .
Intaa kadib waxaa lagu soo dhoweeyay hadalka gudoomiyaha gudiga dacwada ee gobolka W/Cape Sh.Maxamuud Maxamed Adar oo salaam iyo mahadnaq kadib si muuqaalah u soo bandhigay taariikhdii waxqabad ee Madarasada As-sunnah caqabadihii ay ka soo gudubtay kuwa horyaalla iyo waxa ay higsanayso.
Waxaa kasoo qaybgalayaashii fajiciso kunoqotay markii Sh.Maxamuud uu sheegay Madarasadu horaantii sanadkan inay ku sigatay in dhismaheeda ganacsi ahaan loola wareego taasoo gudiga dacwadu shir degdega oo uu yeeshay kadib la go'aamiyay in lala wareego dhismaha madarasaudu ay ku taal, taasoo ay ka dhalatay infuraha dhismaha madarasudu ay gacanta ugu jirto macalimiinta iyadoo madarasadu ay intii hore ka waasacsantahay ayna awood uleedahay inay qaaadato arday badan, ugu danbayntii gudoomiyaha dacwadau wuxuu soobandhigay miisaaniyaddii madarasada ku baxday oo muuqaal ah sanad iyo barkii tagay oo ka koobnayd lawareegiddi furaha dhismaha madarasada safarrihii ciidaha ee ardayda loo qaaday iyo dayactirka madarasada taasoo noqotay R81 000 oo dhamaanteed uu dabaray gudiga dacwada .
Madarasada al- sunnah ayaa lagu tiriyaa madarasada ugu horaysa dhinaca wax barashada marka labarbar dhigo guud ahaan madaarista ku yaal wadanka south Africa, madarasadu waxay kamidtahay madaarista hoostaga majliska dacwada ee Al bayaan.
Gudoomiyaha G/dacwadu wuxuu waalidka u soo bandhigay baahida hadda taagan ee madarsada oo isugu jirta dayactir , qalab xafiis, iyo abaalmarino madarasadu ay siin doonto ardayda ku guulaysata imtaxaanka soo socda.
Intaa kadib ayay ka qaybgalayaashii xafladdu ku tartameen bixinta lacagta hadda loo baahan yahay iyagoo 10 ki ruux ee ugu horeeyay ay kala qaateen lacagihi loo baahnaa waxaan dadka intiisakale laga dheehankaray wajigooda sida ay uga xun yihiin fursada maal galinta madarasada ee laga buuxiyay halka in Badanna ay cod dheer ku dalbadeen in aan la joojinin yabooha hase yeeshee gudoomiyaha iyo maamulka madarasada ayaa ka cudurdaartay in lasii wado yabooha mar haddi baahidi la buuxiyay ugu danbayn waxaa fadhigi duco dhaxal gal ah ku soo khatimay Sheekh Cabdullaahi Cabdi Ibraahim sheekha dacwada Gobolka Western Cape.
Xafiiska Dacwada ee Al-bayaan W/Cape
| < Prev | Next > |
|---|






![]() | Today | 36 |
![]() | Yesterday | 57 |
![]() | This week | 36 |
![]() | Last week | 434 |
![]() | This month | 261 |
![]() | Last month | 1650 |
![]() | All days | 15873 |
Your IP: 38.107.191.96
,
Today: Sep 05, 2010
Count Your Visitors
Who's Online
Socdaallada dacwada
Gauteng
Eastern Cape
Wararkii hore
-
- Socdaalkii dacwo ee sh.Maxamed Idriis uu kusoo maray K/Afrika.
- Ololaha la dagaalanka Anshax-xumada oo dib looga bilaabay Western Cape.
- Jaaliyadda Soomaalida ee PE "Jaaliyad ku dayasho mudan"
- Muwaadin Soomaali ah oo lagu gubay tuulada Samoora ee Western Cape.
- Muxaadarooyin caafimaadka Guud ku saabsan oo ka bilowday Masjidu Sunnah Bellville
-
Bogagga Islaamiga
-
Bogagga Somaaliga











