|
|
|
|
من خصائص شهر رمضان أن الله تبارك وتعالى أنزل فيه القرآن، قال تعالى: {شَهْرُ رَمَضَانَ الَّذِيَ أُنزِلَ فِيهِ الْقُرْآنُ هُدًى لِّلنَّاسِ وَبَيِّنَاتٍ مِّنَ الْهُدَى وَالْفُرْقَانِ} [البقرة:185]، وهو دستور هذه الأمة، وهو الكتاب المبين، والصراط المستقيم، فيه وعد ووعيد وتخويف وتهديد، وهو الهدى لمن تمسك به واعتصم، وهو النور المبين، نور لمن عمل به، لمن أحل حلاله، وحرم حرامه، وهو الفاصل بين الحق والباطل، وهو الجد ليس بالهزل، فعلينا جميعاً معشر المسلمين العناية بكتاب الله تعالى قراءةً، وحفظاً، وتفسيراً، وتدبراً، وعملاً وتطبيقاً. فماذا أعددنا من ترتيبات وتجهيزات لنتسابق نتلو الآيات ترتيلا ونتدبرها جملة وتفصيلا ؟؟؟ |
Waddada Walaalnimada iyo Midnimada
Dawradaan waxaa qabtay Mac-hadka Imaam Albukhaari ee magaalada Galdogob, waxayna ka dhacday xaruntiisa. Waxay socotey seddex beri. Waxaa ka qaybgalay dad isugu jira odayaal, ganacsato, ducaad iyo dhallinyaro. Dawradu waxay ku suntanayd MIDAYNTA UMMADDA, waxaana looga gol lahaa in la isla garto waxyaabaha lagu midoobayo iyo, tabaha iyo wadooyinka ugu mudan ee lagu xaqiijin karo midnimo dhaba oo Alle raalli ka yahay.
Ujeedooyinka mawduuca:
- in la xaqiijiyo walaalnimo dhaba iyo midnimo Alle raalli ka yahay.
- in la gaaro is fahan, isku duubni iyo in si buuxda la isugu kaashado hirgalinta khayrka iyo ka hortagga sharka.
- in midayntaasi saldhig u noqoto horumar buuxa oo dhan walba ah oo bulshadu ku tillaabsato.
Ahmiyadda iyo xugunka midnimada
Ajarka aakhiro iyo fulinta amarka Alle ka sokow midnimadu waxay lagama maarmaan u tahay: a) kala badbaadista bulshada iyo inaan cadawgeedu soo dhexgalin, b) iskaashigeeda iyo wax wada qabsigeeda, c) waxay saldhig u tahay awoodda iyo horumarka adduun ee ummadda. Xugunka midnimada muslimiintu waa waajib, wax khiyaarana uma laha inay kala tagaan; waayo wadajirka muslimiintu wuxuu ka midyahay mabaadi’da waaweyn ee diinta.
Waa maxay waxa lagu midoobayo?:
Ilaahay Qur’aanka wuxuu ina ku amray in aynu xariggiisa dhammaan wada qabsano, taas oo macneheedu yahay: diinta Alle qabsada, waxa kaloo diino iyo afkaaro ahna isaga taga, isla markaana kali kali maahee idinkoo isku duuban qabsada xarigga Alle. Halkaa waxaa kaaga cad in aan la ina ka yeelayn qabsashada waxaan islaamka ahayn iyo islaamka gaar gaar baan u kala qabsanaynaa midna. Innaga oo xaqiiqadaas ka ambaqaadayna ayaynu seminaarkaan ku soo bandhigi doonaa wax ka mida tiirarka iyo mabaadi’da guud ee islaamku ku taaganyahay; si aynu dadkeena ugu midayno.
Intee le’egyahay xiriirka ka dhexeeya muslimiinta?
Ilaahay wuxuu yiri: mu’miniintu wax kale isuma aha ee waxay isu yihiin walaalo uun. Wuxuu kaloo sheegay inay isku hal naf yihiin oo ninkii walaalki dila uu la mid yahay nin naftiisa diley, kan walaalki caayana la mid yahay nin naftiisa caayey. Nabiguna (scw) wuxuu sheegay in mu’miniintu marka laga eego dhinaca is jacaylka, isu naxariisashada iyo isu caadifooshada ay la mid yihiin hal jir oo kale oo haddii hal xubin ka xanuunsato jirka intiisa kale la wadaagayso soo-jeedka iyo xummadda.
Dhinac kale marka laga eego waa dad jacaylkoodu waajib yahay, u hiilintoodu waajib tahay, qofkii aan u ducayna aysan salaadduba ka ansaxayn. waxaa intaa dheer in jacaylka muslimku tusaale u yahay qofka iimaankiisa, uuna yahay waxyaabaha Alle lagu raalligaliyo, jannadana lagu galo, qiyaamahana hooska carshiga lagu harsado.
Waa maxay tabaha iyo waddooyinka ugu munaasibsan ee lagu xaqiijin karo walaalnimo iyo wadajir dhaba oo Alle raalli ka yahay?.
- in bulshada lagu baahiyo ahmiyadda midnimada iyo xugunkeeda.
- in la faafiyo mabaadi’da iyo tiirarka ay midnimadu ku taagantahay.
- in Ilaahay laga baryo inuu mu’miniinta dhexdooda islaaxiyo, quluubtoodana isu dumo.
- in la muujiyo, lagana ambaqaado dhinacyada iyo waxyaabaha la isku waafaqsan yahay ee aan la arag, lana buunbuunin dhinacyada iyo waxyaabaha la isku khilaafsan yahay kaliya.
- in la soo bandhigo habab iyo waddooyin kala duwan oo lagu xaqiijin karo midnimada ama ugu yaraan qayb ka qaadan karta; si cid walba kan ku habboon loogu adeegsado.
- in qalabka warbaahinta, mu’assasadaha waxbarashada, guryaha (qoysaska) iyo masaajiddu si gaara isaga xilsaaraan isku xirka iyo midaynta bulshada, gaar ahaan da’yarta.
- in qabaa’ilka iyo hoggaan dhaqameedku beelohooda si hoose ugu wacyigaliyaan midnimada iyo walaalnimada, ayna ka saaraan cuqdadaha iyo gooni isu sooca.
- in lagu dadaalo wax kasta oo xoojinaya midnimada iyo walaalnimada, sida: salaanta, booqashada, hadiyadda, naseexada iwm.
- in qaybaha bulshada uu dhexmaro xiriir iyo dood furan oo ay isku la darsaan waxyaabaha ka dhexeeya, waxa ay isku raacsanyihiin iyo waxyaabaha ay isku diidanyihiin.
- in qofka ama qabiilka ama kooxdu tixgaliyaan danta guud ee muslimiinta ee aysan eegin waxa dhexyaal dadka ay is hayaan. Tusaale ahaan: ninka qaba xaas dhib badan wuu u samara; si uu dantiisa ugu qunsado, mana oggola inuu u samro qof ay kaga xirantahay danta guud ee ummaddu.
- waxyaabaha qofka ku bixiya inuu midnimada xoojiyo, kuna dadaalo waxaa ka mida hanweynida, waayo ninka doonaya inuu rag wax la qaybsado wuxuu u baahanyahay rag uu u kaashado halka uu hiigsanayo, laakiin ninkii meelo hoose u socda hoosayntu ciidan uma baahna.
- dadka caqliga leh waxay jiriyaan xaqiijinta danohooda, waxayna ka maataan wixii dhibaya, waxaase jira dhaqan xun oo dhahaya si hebel u dhibtoodo aan anigu dhibta galo. Taasina munaasib maaha ee waa inaad adigu dantaada uun ka fakartid, ogowna inay walaalnimada iyo wadajirka kuugu badiso.
- in la garto in walaalnimada iyo iskaashigu cid walba dan u yahay ee aan cid gaarihi ku danaysanayn. Haddii colaad iyo khilaaf yimaadana lagu wada khasaarayo.
- in laga fogaado wax kasta oo dhaawacaya walaalnimada ama dadka kala fogaynaya ha ahaado qawl ama ficile, sida: xanta, isku dirka, cayda, xaqiraadda, malaha xun, jaajuusidda iwm.
- waxyaabaha xoojiya is fahamka iyo isu soo dhawaanshaha waxaa ka mida wada shaqaynta iyo is kaashiga. Haddaba si dadka kala reerka ah ama kala ra’yiga duwan isu fahmaan, isuna dhexgalaan waa inay ka wada shaqeeyaan wax ay isku waafaqsanyihiin, taasina waxay keenaysaa inay wax badan ka wada shaqeeyaan markii cuqdada iyo kala shakigu ka boxo.
- samankaani waa saman midow, is gaashaanbuuraysi iyo shirkado waaweyn oo qaaradaha isaga tillaaba, dadka yaryar iyo kuwa taagta daran midna boos kuma laha; sidaa darteed ninkii qiime leh waa inuu ka dheeraado kala qoqobidda xoogagga Soomaalida ah ama qayb ka sii mida, illeyn sagaaro laba tun oo la kala qalo malehee, waana inuu u hawlgalo midaynta ummadda muslimiintaa oo dhan meelay joogtaba.
- in laga hortago cid kasta oo isku dayda inay kala fogayso ama colaad dhexdhigto ummadda muslimiinta ah, ha ahaadeen cadaw shisheeye ama kuwo muslimiinta ku abtirsada oo la soo adeegsaday’e.
- in dadka lagu wacyigaliyo, lagana feejignaado tabaha cadawgu isaga horkeeno muslimiinta.
- dadku inay leeyihiin ahdaaf ay xaqiijinteeda ku hawlanyihiin, waxay ka hor istaagtaa inay ku mashquulaan muran iyo waxaan dan ugu jirin; sidaa darteed waa in dadku ku mashquulaan cilmi barasho, cibaado, dacwo, adeeg bulsho, shaqo adduun iwm.
- waxyaabaha ugu waaweyn ee midnimada caawiya, kala taggana ka hortaga waxaa ka mida:
a) barashada cilmiga, gaar ahaan tafsiirka Qur’aanka iyo xadiiska rasuulka (scw); waayo khilaafka jira intiisa badan wuxuu ku salaysan yahay jahli.
b) Cabsida Alle iyo xusuusta aakhiro, waxaana culumadu sheegeen in jahliga iyo hawadu (waxa naftu jeceshahay) sabab u yihiin khilaafka. Haddii dadku diinta aqoon wanaagsan u yeeshaan, Ilaahayna ay ka cabsadaan wuu xallismi lahaa khilaafka jira. Haddii cilmi la waayo waxaa qofku ku aakhiro seegayaa difaacista qalad uu xaq u qabo. Haddii Alle ka baq la waayana waxaa colaadda shidaya rag iska celi iyo ma anaa ina hebel raaci kara.
c) Wacyiga iyo la socoshada xaaladaha adduunka; waayo haddaan qofku wacyi lahayn, waxa socdana fahamsanayn isaga oo khayr doona ayaa shar loo adeegsan karaa.
Fiiro gaara:
Marka aynu ka hadlayno midnimada iyo walaalnimada ummadda, iyo in la eego dhinacyada laga midaysanyahay, iyagana laga ambaqaado uga ma jeedno in xaqa looga tanaasulo waa la midoobayaa; waayo horay baynu u caddaynay in waxa lagu midoobayo xaqa yihiin ee aysan wax kale ahayn. Taa macneheedu waxa weeye walaalnimadana ilaali, xaqana si xikmad leh ugu gudbi walaalkaa. Tan kale waa in la ogaado in midnimada lafteedu diinta ka mid tahay, ayna mudantahay in la dhigo booskay leedahay.
Waxaa kaloo muhiima in la ogaado in muslimiintu isku khilaafi jireen masalooyin diinta ka mida oo xataa qaarkood caqiidada ku saabsanyihiin, saas oo ay tahay may dhaawici jirin midnimadooda guud ee cadawgana meel bay uga soo wada jeensan jireen, wixii la isku khilaafayna nin walba walaalki wuxuu u arko inuu ku gafsanyahay buu uga naseexayn jirey ama dood uga la gali jirey.
Kutubta caqiidada waxay culumadu ku qoreen in dadka ehlu qiblaha ah dhammaantood cadawga meel uga soo wada jeensanayaan, iyagoo wata faasiqooda, bidcaygooda iyo munaafiqooda.
Gabagabo:
Haddaynu ogaanay ujeeddada dawradaan laga lahaa, ahmiyadda midnimada iyo xugunkeeda, iyo xiriirka walaalnimo ee ka dhexeeya muslimiinta, isla mar ahaantaasna aynu ogaanay waxa lagu midoobayo iyo, hababka iyo waddooyinka loo marayo xaqiijinta walaalnimada iyo midnimada. Dhinac kalena aynu aragnay inaan xaqa looga tagayn waa la midoobayaa ee macnuhu yahay iyadoo walaalo la yahay wixii masalooyina ha la isla eego ama ha laga wada dodo. Haddaynu intaasoo dhan aragnay maxaa ina kala gudboon xallinta khilaafaadka bulshadeena dhexyaal iyo hirgalinta walaalnimo, iskaashi iyo midnimo buuxda oo dhexmarta?
Shaki ma leh in wax badan ina kala gudboonyihiin, laakiin waxaa si gaara farta loogu fiiqi karaa in qof walba gaar ahaantiisa uusan colaad u qaadin qof, qabiil ama koox muslimiina, uuna xoojiyo xiriirka walaalnimo ee uu la leeyahay, isla markaana uu muslimiinta kale ku boorriyo walaalnimada iyo midnimada gaar ahaan xigtadiisa iyo dadkuu xiriirka gaarkaa la leeyahay, uuna ka shaqeeyo xallinta khilaafaadka soo dhexgala laba qof ama ka badan oo muslimiina
Axmed C/samad
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
| < Prev | Next > |
|---|






![]() | Today | 34 |
![]() | Yesterday | 57 |
![]() | This week | 34 |
![]() | Last week | 434 |
![]() | This month | 259 |
![]() | Last month | 1650 |
![]() | All days | 15871 |
Your IP: 38.107.191.96
,
Today: Sep 05, 2010
Count Your Visitors
Who's Online
Socdaallada dacwada
Gauteng
Eastern Cape
Wararkii hore
-
- Socdaalkii dacwo ee sh.Maxamed Idriis uu kusoo maray K/Afrika.
- Ololaha la dagaalanka Anshax-xumada oo dib looga bilaabay Western Cape.
- Jaaliyadda Soomaalida ee PE "Jaaliyad ku dayasho mudan"
- Muwaadin Soomaali ah oo lagu gubay tuulada Samoora ee Western Cape.
- Muxaadarooyin caafimaadka Guud ku saabsan oo ka bilowday Masjidu Sunnah Bellville
-
Bogagga Islaamiga
-
Bogagga Somaaliga











