Latest News
Yaa ka dambeeya Dilka Ganacsatada Soomaalida ee Cape Town ?
Posted on 31st July 2010
Cape Town: Warbixin dheer oo lagu daabacay Wargeyska Daily Voice ayaa lagaga hadlay xaqiiqada cidda ka dambaysa dilka loo geysto ganacsatada Soomaalida ah ee deggan tuulooyin kamida Cape Town.
Diyaarad kusoo degtay xeebta Magaalada Durban (K/Afrika)

Posted on 29th July 2010
Durban: Duuliye Muslim ah oo lagu magacaabo Maxamed Jamiil Saliim ayaa diyaaraddiisii soo fadhiisiyay Xeebta Magaalada Durban kaddib markii uu shaqada joojiyay Matoorkii diyaaraddu (Engine Failure)
Dil Johannesburg loogu geystay ganacsade Soomaali ah.(K/Afrika)
Posted on 26th July 2010
Johannesburg: Dilka loo geysto ganacstada soomaalida ah ee ganacsiga ku haysta tuulooyinka ku xeeran magaalooyinka waaweyn ayaa soo kordhaya dhawrkii bilood ee lasoo dhaafay, dilkii u dambeeyay ayaa loo geystay Marxuum Xasan Kaydsane Bulxan oo da'diisu ahayd 25 jir.
Qisadii Safarka saddex dhallinyaro ah
Maqaal: Saddex wiil ayaa u safray waddan aad u fog, waxayna degeen guri aad u dheer oo ka kooban 75dabaq, waxayna dageen dabaqa u sareeya ee 75naad. Waardiyihii Daarta ayaa u sharxay nidaamka deganaanta guriga, wuxuuna ku yiri; halkan waxaa kajira nidaam ka duwan, kan kajira waddamadiinna.
Golaha Dacwada ee Albayaan oo ka Tacsiyaynaya Geeridii Sh.Macallin Maxamuud

Posted on 24th July 2010
K/Afrika:-Golaha Dacwada ee Albayaan waxay tacsi u dirayaan dhamaan umada Soomaaliyeed gaar ahaan Eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee Sh.Maxamuud Macallin Nuur
Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu dilay Kraifontein (K/Afrika)
Posted on 23rd July 2010
Cape Town: Waxaa galabta lagu dilay Tuulada Kraifontein ee Gobolka Western Cape Marxuum Cabdulle Yuusuf oo ahaa ganacsade deggan tuuladaa oo ka Tirsan Cape Town.

Posted on 23rd July 2010
Mid kamida Diyaaradaha qumaatiga u kaca (Helicopter) ee Boliska K/Afrika ayaa saaka ku burburtay meel dibadda ka ah magaalada Witbank waxaana shilkaa ku geeriyooday 7 Askari oo diyaaradda saarnaa.
Ganastada Soomaaliyeed ee Bellville (Cape Town) oo shir isugu yimi.

Posted on 22nd July 2010
Cape Town: Shalay waxaa lagu qabtay Xaafadda Soomaalidu ku badan tahay ee Bellville Shir weyn oo ay isugu yimaadeen Ganacstada Xaafadda Bellville si ay u samaystaan guddi ganacsato oo wax ka qabta arrimaha nabadgelyada iyo baahida guud ee ganacstada Bellville.(Sawirro)
Muwaadin soomaali ah oo lagu Dilay Philipi (K/Afrika)

Posted on 19th July 2010
Waxaa saaka 7:00 subaxnimo lagu dilay gudaha dukaan uu ka shaqaynayay Alle ha u naxariistee marxuum Cumar Xaaji Maxamuud oo da,diisu ahayd 19 jir.
2 Ethiopian ah oo lagu dilay Port Elizabeth (K/Afrika)

Posted on 18th July 2010
Laba nin oo dhalashadoodu tahay Ethiopian ayaa maydkooda laga helay gudaha dukaan ay ku lahaayeen xaafadda Walmer ee Magaalada Port Elizabeth, boliiska ayaa sheegay in laba nin oo dablay ah ay soo galeen dukaanka nimankani ay joogeen kaddibna ay ku amreen inay dhulka jiifsadaan kaddibna waxay toogteen labadii nin iyagoo aan wax dhac hantiyeed ah geysan.
Ganacsigii Soomaalida ee Western Cape (Townships) oo dib loogu noqday.
Posted on 17th July 2010

Cape Town: Kaddib dhibaatooyinkii loo geystay qaar kamida ganacsatada soomaalida ah ee gobolkan Western Cape oo goobihii ganacasi kasoo qaxay tiro aan badnayn oo kamid ahna boob loo geystay lagana baqayay in ay dhacaan weeraro shisheeye nacayb ah (Xenophobic Attacks) ayaa imminka dadkii dib ugu noqdeen goobohii ganacsi kaddib markii xaaladda nabadgelyo ay soo hagaagtay, cabsidii la qabayna ay meesha ka baxday.
Carabta iyo af carabigu ma ajnabibaa? (qeybta 1aad) Sh. Axmed Cabdi Samad

Posted on 16th July 2010
Boosaaso:-Inkastoo ay horey u jireen dad ku hawlan in shacabka Soomaaliyeed la kala fogeeyo iyo in laga fogeeyo diintooda iyo dadkooda, haddana waxaa beryahaan soo xoogaysanaya dadka ka doodaya magacyada carbeed ee dadkeenu la baxaan ama ay u baxshaan goobaha iyo hay’adaha ay qadarinayaan.
Caqliga iyo caadifadda (Maqaal)

Posted on 15th July 2010
Aduunyadu meel ma taagna isbeddelkeeduna waa joogto wacyiga bani’aadamka iyo hadba siduu u fikirayana waxaa saameyn ku leh duruufaha ku xeeran waana mida salka u ah marka hawadaadu kuu been sheegto in tabartaadu kuu runsheegto ama ay na tusayso murtida caanka ah ee tiraahda “Dani waa seeto”.
Madaxweynaha K/Afrika oo ka hadlay Arrimaha Nabadgelyada

Posted on 14th July 2010
Madaxweynaha K/Afrika jacob Zuma oo waraysi gaar ah siiyay Telefishanka SABC ayaa ka hadlay arrimo dhawr ah oo ay ka mid tahay falalka xasillooni-darrada ah ee ka dhacay qaybo kamida Gobolka Western Cape.
Kulan Nabadgelyada ku saabsan oo lagu qabtay Worcestor

Posted by Albayaan on 12th July 2010
Kulan nabadgelyada lagaga hadlayo ayaa lagu qabtay Magaalada Worcestor oo qiyaas dhan 100 KM u jirta Cape Town.
Dil iyo dhaawac dhallinyaro soomaaliyeed loogu geystay Philipi (K/Afrika)

Posted by Albayaan on 10th July 2010
Weerar ay koox budhcad ahi ku qaadeen Dhallinyaro Soomaaliyeed deegaanka Philipi ayaa waxaa ku dhintay Marxuum Maxamed Cumar Shadoor Laba kalena waa lagu dhaawacay
Sii Akhri...
Kulan Nabadgelyada ku saabsan oo lagu qabtay Khayelitsha

Posted by Albayaan on 10th July 2010
Waxaa shalay lagu qabtay deegaanka Khayelitsha oo ka tirsan Cape Town shir muhiim ah oo nabadgelyada ku saabsan lagaga arrinsaday arrimaha ku saabsan cabsi laga qabo in dhibaato loo geysto dadka aan waddanka u dhalan ee ku nool waddanka gaar ahaan dadka ganacsiga ku haysta meelaha ay ku badan yihiin dadka madowga ah, Shirka oo ay kasoo qayb galeen Wasiiro iyo Mas,uuliyiin dawladeeed ooo kale iyo Mas,uuliyiinta iyo ganacsatada Soomaalida.
2 Dhallinyaro Soomaali ah oo lagu Dilay Worcestor (K/Afrika)
Posted by Albayaan on 8th July 2010
Weerar xalay lagu qaaday dukaan ay joogeen 5 dhalinyaro soomaali ah ayaa lagu dilay 2 kamida saddexdii kalena lagu dhaawacay deegaanka Worcestor oo ka tirsan Gobolka Western cape qiyaas dhan ilaa 100 KM-na u jirta magaalada Cape Town.
Sii Akhri...
Kulan Balaadhan oo lagu qabtay Madarasada Alsunnah

Posted by Albayaan on 6th July 2010
Kulankan oo ay soo qaban qaabiyeen maamulka Madarasada As-sunnah ee ku taal magaalada Cape Town oo la kaashaday gudiga dacwada ee W/cape ayaa waxaa ka soo qaybgalay waalidiinta ardayda, Gudiga Dacwada iyo marti-sharaf kale, kulankan oo si heersare ah loo soo abaabulay ayaa ujeedadiisu ahayd horumarinta Madarasada As-sunnah.(Sawirro)
Waddada Walaalnimada iyo Midnimada

Posted by Albayaan on 6th July 2010
Dawradaan waxaa qabtay Mac-hadka Imaam Albukhaari ee magaalada Galdogob, waxayna ka dhacday xaruntiisa. Waxay socotey seddex beri. Waxaa ka qaybgalay dad isugu jira odayaal, ganacsato, ducaad iyo dhallinyaro. Dawradu waxay ku suntanayd MIDAYNTA UMMADDA, waxaana looga gol lahaa in la isla garto waxyaabaha lagu midoobayo iyo, tabaha iyo wadooyinka ugu mudan ee lagu xaqiijin karo midnimo dhaba oo Alle raalli ka yahay.
Diyaarad Kusoo degtay Waddada gaadiidka ee N1 (K/Afrika)

posted by albayaan on 27th June 2010
Diyaarad yar oo rakaab ayaa si kedis ah ugusoo degtay Waddada Highway-ga ah ee N1 ee aadda Magaalada Bloemfontein,diyaaradda oo ay saarnaayeen 6 qof oo ah S/Afrikan ah cidina kuma dhaawacmin.
Dawro sharci ah oo loo qabtay dhallinyarada Cape Town-K/Afrika (Sawirro)
Waxaa lagusoo gaba-gabeeyay magaalada Cape Town ee S/Africa dawro sharci ah oo socotay 2 maalmood ah loona qabtay dhallinyarada ku nool Cape Town, Dawrada oo uu soo qaban qaabiyay Xafiiska Dacwada ee Albayaan (Western Cape) ayaa waxaa kasoo qayb galay in ka badan 100 dhallinyaro ah waxaana lagu qaatay dawrada Duruus kala duwan oo muhiim u ah dhallinyarada iyo guud ahaan bulshada. (Sawirro)






![]() | Today | 1 |
![]() | Yesterday | 43 |
![]() | This week | 44 |
![]() | Last week | 386 |
![]() | This month | 1 |
![]() | Last month | 3464 |
![]() | All days | 13963 |
Your IP: 38.107.191.111
,
Today: Aug 01, 2010
Count Your Visitors
Local Weather




Who's Online
Socdaallada dacwada
Gauteng
Eastern Cape
Wararkii hore
-
- Socdaalkii dacwo ee sh.Maxamed Idriis uu kusoo maray K/Afrika.
- Ololaha la dagaalanka Anshax-xumada oo dib looga bilaabay Western Cape.
- Jaaliyadda Soomaalida ee PE "Jaaliyad ku dayasho mudan"
- Muwaadin Soomaali ah oo lagu gubay tuulada Samoora ee Western Cape.
- Muxaadarooyin caafimaadka Guud ku saabsan oo ka bilowday Masjidu Sunnah Bellville
-
Bogagga Islaamiga
-
Bogagga Somaaliga








